SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE.
SANBOORKA AMA ELERJIGA ADIGOO XAAFADAADA JOOGA ISKA DAAWEE.
sanboorka waxa uu yimaada marka jirkaada ay soo galaan waxyaalo dibadda kaaga yimaadey sida boorka,cuntada ama dhaska.
Marka ay jirkaada soo galaan walxahaan waxay ayna toos u tagayaan unug la yiraahdo mast cell kadib isga ayaa falcelin soo diraya unugaas.
Hadii aad leedahay Sanboorka ama allerjiga marka unugaas ay gaaraan walxihii sanboorka keenayey wuxuu unugaa udiriyaaa unugyada kale ee u dhaw digniino badan si loo soo saaro Maadada Histaminta la yiraahdo ee sababta dhamaan calaamadaha Sanboorka ee ay ugu horeeyaan
-Hindhisada
-Jir cun cunka barara
-ilin faro badan oo kulul in ay kaa timaadom
-Duuf khafiif ah oo kulul in uu ka socdo.
-Dhaga cun cun saaid .
-Naqaska oo ku dhaga qofka mar marka qaar.
Marka si loo daaweeyo ama looga hortago xanuunkaan waxaa loo baahnaanayaa Maadadaas Histaminta layiraahdo unugyada soo sii deynaya in la xir-xiro si aysan usoo sii deyn.
Si sidaas loo sameeyo waxaa loo baahnaanayaa ANTIHISTAMINE oo ah maadadii xir-xiri lahayd unugyada soo deynaya histamiinta.
Marka waxaan idinku baraya charkaan adinka oo aanan wax daawo ah qaadan in gurigiina aad ka dhex heshaan maadadaan AntiHistaminta la yiraahdo ee ka hortageysa in lasoo saaro Histamiintii sababeysey Sanboorka iyo elerjigii.
1= SANJABIISHA
Sanjabiisha waxa ay qani ku tahay Antihistamin oo awood u leh in ay xir-xirto unugyada Soo saaraya Histaminta.
Ku isticmaal sanjabiisha in aad shaah kulul ku darsato dabadeed aad cabto ama caadi aad u ruugto oo aad cunto maalin walba.
2= TOONTA
Toontu waxay hormarisa difaaca jirka sidoo kale waxa ay koontaroosha elerjiga waxayna daawo utahay caabuqyada kala duwan,madax xanuunka iyo Hindhissada.
Xoogaa toon ah iyo caano isla kululeyso kadib cab maalin walba inta aad ka caafimadeyso.
3= TUFAAXA.
Waxaa ku jirta maadadii antihistaminta ahayd ee aynu u baahneen si aynu u xir-xirno meelaha laga soo deynayey Histamiintii Sanboorka ama Elergiga sababeysey.wuxuuna daawo rasmi ah u yahay duufka,hindhisada,cun-cunka sanka iyo madax xanuunka waxa uuna kobciyaa difaaca jirka.
Shiido tufaaxa kadib biyo diiran ku qaso markaas kadib cab,
Sidoo kale waxaad ku sii qasan kartaa qaado Malab ah iyo in aad liin ku miirato markaas kadib cab ilaa intii ayaan ah oo aad ka bogsaneyso.
TALLO
Daawada ugu muhiimsan ee Sanboorka waa in aad ka dheerataa wax walba oo kugu kiciya Sanboorka,
qof walba waxbaa ku kiciya qof Ukunta ayaa ku kicisa,qof digirta,qof kaluunka, dadka qayb badan oo kamid ahna waxa ku kiciya boorka ama dhaska dadka qaybna qaboowga ayaa ku kiciya
Marka ka dheeroow wax walba oo adiga kugu kicin kara.
Mahadsanidiin.
Dr Liibaan Y. marateyn
Comments
Post a Comment